Tallaabada Soomaaliya qaadayso hadii Kenya aan u hogaansamin xukunka ICJ 

Xukunada ICJ gaarto ma lahan hay’ad fulisa, taasoo sababta in dalalka wax loo xukmiya inay aadaan Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey. WARAR PENDRSIBRAHIM ONLINE
13 October 2021 By Human RIGHTS Consultant

Kenya’s President Uhuru Kenyatta speaks during a joint statement with Tanzanian President Samia Suluhu Hassan at the State House, in Nairobi, Kenya, May 4, 2021. REUTERS/Baz Ratner –

MUQDISHO, Soomaaliya – Su’aallo badan ayay Shacabka Soomaaliyeed is waydiinayaan, oo ku saabsan sidee Kenya looga qaadi doonaa xuduud badeedka shalay ay ICJ xukmisay. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inaysan u hogaansami doonin go’aanka ICJ gaartay, isagoo wacad ku maray inuu difaaci doono dhul badeedka dalkiisa. Kenya waxay haysatay qayb ka mid ah aagga shidaalka badan ku jira ee xuduuda badda labada dal oo gaaraya 100,000 sq km, oo ICJ shalay ku dhawaaqday inay Soomaaliya leedahay. ICJ qeyb yar oo lagu qiyaaso 12-20% baddii lagu mursansanaa aye Kenya u goosay. Xukunka ayaa ah mid kama dambeys ah oo aan racfaan laga qaadan karin, laakiin maxkamadda, oo la aasaasay dagaalkii labaad ee adduunka kadib 1945 si ay u xalliso khilaafaadka u dhexeeya dowladaha Qaramada Midoobay xubnaha ka ah, ma lahan qaab ay ku fuliso xukunnadeeda. Dawladuhu si kastaba ha ahaatee waxay tegi karaan Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay haddii waddan kale u hoggaansami waayo xukunka ay gaarto ICJ. Kenya waxay sheegtay inay u madax -bannaanayd aagga badda ee Soomaaliya lahayd tan iyo 1979-kii. Aagga lagu muransan yahay ayaa la rumeysan yahay inay ku jiraan gaas iyo saliid, sidoo kale wuxuu leeyahay kalluun badan. Nairobi ayaa horey u siisay ruqsadaha sahaminta shirkadda tamarta ee ENI ee Talyaaniga laakiin Soomaaliya ayaa ku diiday tallaabadaas, waxaana laga yaqaabaa in heshiiska uu burburo ama dhaka Soomaaliya loo soo wareejiyo, maadaama hadda dib ula soo laabatay mulkiyadda badda. Mudo 11 sano ah ayay Soomaaliya u dagaalamaysay inay dib usoo ceshato badeeda, iyadoo 7 sano ku qaadatay ICJ inay go’aan ka gaarto, waxaana tallaabadan ahayd mid dhibaato badan lagala kulmay xukuumadda Nairobi oo jallaafooyin dhowr ah u dhigtay Madaxdii dalka, laga soo billaabo Sheekh Shariif illaa Farmaajo. Kenya ayaa kamid ah dalalka ay ka degi la’adahay Soomaaliya, oo faragelinta joogtada ah ku hayay tan iyo burburkii 1991, waxaana hadda qeyb ka tahay howlgalka AMISOM oo ka kooban wadamada safka hore, oo mudo dheer laga digayay inay Ciidan usoo diraan Soomaaliya.

By Human RIGHTS Consultant

Leave a comment