image

Silsiladda Taariikhda Islaamka

Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qaybta 5aad:

Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor.

Dhinac walba oo laga eego Nabigu (scw) wuxuu ahaa shakhsi heerka ugu sareeya ka gaaray hoodada qof lagu ammaano, wuxuu ahaa moodal sareeya oo dhamays tiran laga haqab tiray figradda toosan iyo aragtida toolmoon, wuxuu nasiib u helay gabal wayn garashada wanaagga, ka baaraan dagidda talada, habboonaanshaha hadafka la higsanayo iyo hanaanka loo marayo intaba, wuxuu kaalmaysan jiray aamuskiisa dheer isagoo ay u weheliso u fiirsasho xeeldheer waxa hareerihiisa socda, ka shaqaysiinta maskaxda iyo doorashada xaqa, wuxuu ku daalacday caqligiisa badan iyo abuuristiisa hufan dhamaan saxiifadaha nolosha, waxa hareerihiisa ka socda, hawlaha dadka iyo xaaladaha ururada.

Wuxuu marka ka qash-dhacay dhamaan khuraafaadka xun waana ka fogaaday, ilaa uu ka aqoonsaday si cad halka ay kala joogayaan meheradaha dadka iyo tiisa u gaarka ah, markaas ayuu kula noolaaday jid cad, wixii wanaag ah oo ay sameeyaan waa la wadaagaa, haddii kalase wuxuu ku laabtaa gooni u joogiisii uu caadaystay, sidaa darteed ma cabbi jirin khamro, mana cuni jirin gawrac sanab lagu kor qalay, kamana qayb gali jirin ciid amase munaasabad lagu xusayo sanabada, iskaba daaye laga soo bilaabo barbaaristiisii wuxuu ka didsanaa dhamaan macbuudaadka beenta ah ee xaq darrada lagu caabudo, ilaa wax uu ka neceb yahay aysan jirin ilaa heer uusan maqli karin dhaarta lagu dhaaranayo magaca sanabada.

Ilaalinta Alle Ee Ku Hareeraysan

Wax shaki ahi kuma jirin in aqdaarta Alle ku hareeraysay ilaalin iyo dhawris, waxaa hadaba culumada Islaamku isku raacsan yihiin inuu macsuum ka ahaa gaalnimada oo uusan ku dhicin waxyiga kahor iyo kadib toona sidoo kale dunuubta waawayn, taasina waa tan ay ayidayso dhacdooyinka taariikh-da Nabiga (scw) ka buuxa ee ka horeeya soo dajinta waxyiga, markastoo naftiisu u hanqaltaagto macmacaansiga aduunka, amase markastoo uu jalleecsado raacista caadooyinka aan ciribtooda la mahadin qaarkood, islamarkiiba waxaa si xoog ah usoo kala dhexgalaysa ilaalinta rabbaaniga ah inay ka horjoogsato shaygaas uu damcay awgeed. Continue reading

image

Sannad Guuradii 61aad 1954 – 2015 Calanka Qaranka Soomaaliyeed

imageSannad Guuradii 61aad 1954 – 2015 Calanka Qaranka Soomaaliyeed

Halgankii Xisbiga SYL – In badan oo naga mid ah kuma baraarugsana maalmaha qaranka, waxaana haboon in mar weli baa an is xusuusino maalmaha qiimaha weyn ugu fadhiya shacabka soomaaliyeed si ay u ogaadaan jiilka yar yar ee maanta soo koraya sidaasi darteed waxaa maanta xusid mudan in ay tahay 12kii Oktoober 2014 kuna beegan sannad guuraddii 60aad ee helida astaanta calanka qaranimadda soomaaliyeed , nasiib wanaag muddo dheer oo dadweynaha soomaaliyeed ay ku jireen dagaal sokeeye oo aan dhamaad lahayn , nabadgalyo xumo,gaajo abaar is daba jog ah iyo cudur, nasiib wanaag xuskani wuxuu ku soo beegamay xili dowladnimo u dhalatay shacabka soomaaliyeed, isla markaasi na gobaladda dalka oo laga xureeyey kuwa nabad diidka ahaa, dowaladda maanta inoo dhisan oo laga la rajeynaayo in ay soo af jarmaan colaaddii iyo amaano daraddii dalka ka jirtay oo ay aad u adkeed in dadka dhibaateysan in la gaarsiyo gargaar deg deg, maxaa yeelay dalka waxaa soo marab abaaro isdaba jog ah, isla markaasi na waxaa laga filayaa barlamaanka cusub inuu noqdo kuwa u adeega danta shacabka soomaaliyeed oo ay ka fogaadaan wax alla wixii khilaaf keeni kara taasoo guud ahaan dan u ahayd dadka dan yarta ah ee ku nool dalka gudahiisa iyo kuwa ku dac dareysan dibadda ba.
Haddaba waxaan hambalyo iyo boogaadinba halkaani ugu soo dudbinayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan guddaha iyo dhibadda ba iyo madaxda dalka maanta hogaamineysa waxaana ku boorinayaa in xilka culus ay shacabka soomaaliyeed u hayaan inuu ilaahay waafajiyo waddada xaqa ah isla markaana noqdaan kuwiii maamulka dowladda oo shacabka ku aaminay in ay ku hogaamiyaan cadaaladd iyo sinaan iyo midnimo, kana fogaadaan musuqmaasuq, qabyaaladda, dulmi iyo lax jacleysi maadama maanta dalkii kuwii dhibta ku haayey oo nabad diidka ahaa inta badan gobaladda dalka laga xureeyey, sidaasi darted waxaa looga baahan yahay dhallinyaradaasi la madax dooriyey in dhaqan celin loo sameeyo maxaa yeelay dhallinyaradu waa tiir muhiim u ah horumarka dalka isla markaasi na dawladdu waa in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka iyagoo wax waliba ay ka hormariyaan maslaxadda guud ee dadka iyo dalka soomaaliyeed,waxaan aaminsanahay haddii la helo maamul hufan oo xalaal ah in laga bixi doono dhibaatadda iyo jahawareerka ee dalka muddada dheer ku jiray, lana gaari doono horumar iyo barwaaqo taasoo masuuliyadeedda dusha uu ka saran yahay dhamaan qof weliba oo damiir soomaalinimo leh.

Continue reading

image

AqoonYahanow Ma Waxaad Qeyb ka Tahay Mushkiladda


AqoonYahanow Ma Waxaad Qeyb ka Tahay Mushkiladda

Haa- Boqolkiiba in badan oo magacaa wadaagta ayaa runtii qeyb libaax ka qaata mushkiladdan degi weyday ee aan weheshanno. Marka hore aqoonyahan waa kuma?. Aqoonyahan waa qof wax bartay oo aqoon gaarana u yeeshay cilmi gaara oo waxtar u yeesha mujtamaca. Waxa uu noqon karaa takhtar, sharciyaqaan, dhaqaale-yahan, khabiir diimeed, siyaasadda iyo culuumta kale ee jirta nolosha aadanahana hore loogu mariyo.

Aqoonyahanku waxa uu aqoontiisa ku gaaraa siyaabo kala duwan, midbaa canshuurta dowladda wax ku barta oo waxabarashadiisa dhameysta iyadoon wax hanti ah aayan qoyskiisa ama laftiisaba ka gelin. Mid kale, oo runtii mujtamaceenna nadir ku ah waa midka ay hey’ado gacan ka siiyaan ama qoykiisuba uu daboolo qaraamaha waxbarashadiisa.
Aqoonyahanka Somaaliyeed ee maanta jooga qiyaastii boqolkiiba 80-90% waxay wax ku barteen cashuur ay dowladahii beri-samaadku matalan ka qaadeen hooyada tamaandhada ama haruurka ku iibisa suuqa, taasoo micneyneysa in dalku maalgashaday qofkaas oo looga baahan yahay inuusan waxtar maahee, waxyeello dalka iyo dadka ula imaan. Dad badan ayaa qaba in aqoonyahanku yahay qof dhameystiran oo howl kasta ee soo wajahda u babac dhigi kara, laakin saas arrinku maahee, waxa muhiima in Alla aqoontaa kuu raaciyo mid maskaxeed ee kaabta aqoontan maaddiga ah ee qofku kasbaday, si qofkan ay ugu suurow inuu xallilo mushkilad sida ta Somaalida oo kale ah u murugsan.

Su’aasha qormadan aan ku bilaabay haddaan hore u galo, aqoonyahanka Somaaliyeed ee la rabay inuu ahaado bar-bilowga xallinta mushkiladdan na sal dhigatay ee nus qarniga sii dhaafeysa, mar haddaan ku tebeyno cilmi iyo caqli labadaba ayaan illaa hadda la imaan wadiiqo looga baxo jahwareerkan siyaasadeed ee na hareeyey, bal inuu xal keeno daayo, isagabaa qeyb ka ah bey dadka intooda badani qabaan. Continue reading